Reading Time: 2 minutes

Magaalada Muqdisho waxaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ka curtay Shirkado ka macaasha lacagta isku-bedelkeeda ama suuqa sarifka taasi oo loo yaqaan”FOREX” waxaana ay shaqo abuur u noqotay dhalinyaro badan oo kolkii hore macal la’aan ahaa.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa shirkadaha ka shaqeeya suuqa Sarifka lacagaha qalaad ee FOREX waxaa soo wajahay culeeys uga imaanaayo Al-shabaab,waxaana durba Hubaal Forex lagu amray in ay bixiyaan lacag culus oo ay ka dalbadeen.

Muqdisho Online ayaa loo xaqiijiyay in lacag gaareeysa 4-milyan oo dollar ay shirkada Hubaal Forex siisay Kooxda Al-shabaab lacagtaan ayaa lagu soo waramayaa in ay soo dalbadeen Al-shabaab,waxaana Gudoomiyaha Shirkadaasi uu amray in si deg-deg ah loo bixiyo.

Maxamed Ismaaciil oo ah Gudoomiyaha Shirkadda Hubaal Forex ayaa lagusoo waramayaa in uu ku qancay dalabka kooxda Al-shabaab islamarkaana uu bixiyay lacagtaasi,sidoo kale waxaa MOL loo xaqiijiyay in lacagtaasi lagu shubay Accoun Bank gaar ah oo si qarsoodi ah ay Al-shabaab u isticmaalaan.

Shirkad walbo ee ka shaqeeysa Magaalada Muqdisho islamarkaana leh dhaqaalle xoogan ayaa la sheegay in ay bixiyaan lacagtaasi,si ay uga nabad-galaan Al-shabaab.

Dhanka kale xog-hoose oo aynu helnay ayaa waxaa ay sheegeeysaa in Xubno ka Tirsan Dowlada Soomaaliya ay soo jeediyeen in la xiro Shirkada Hubaal Forex maadaama ay Al-shabaab siisay lacag aysan Dowladu ka helin.

Go’aanka ay ka qaadan doonto Dowladu ma cada balse waxaa MOL loo xaqiijiyay in ay si aad ah uga caroodeen Mas’uuliyiinta Dowlada.

Dad badan ayaa si aad ah u dhaliilsan Talaabada Shirkadda Hubaal Forex,waxaana ay sheegeen in lacagtaasi ay bixiyeen lagu iibin doono qaraxyo lagu gumaado Shacabka reer Muqdisho.